LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

ILAALINTA XAQUUQUL INSAANKA

 

















XAQUUQUL AADANAHA WAA IN LA DHOOWRAA QOFKASTAANA XIL ISKA SAARTAA

ilaalinta khadarinta dhoowrida xi tiraamka sharfida dhamaan qiyimka xaquuqul insaanka waa waajib waxaayna waajib ku tahay Qofkasta oo Qaangaar ah diintuu raba ha aaminsanaada meeshuu rabna ha joogee gaal iyo muslim waxuu doonaba ha ahaadee waa waajib ilaalinta bini aadamka oo dhan 

markaad nabad rabtid waa in nabad lagaa helaa ood xurmeeysid dhamaan bini aadamka oo dhan nabadana aad ka shaqeeysid una kaalmeeysid dhamaan cid kastaa ood caawin kartid adigoon ufiirinin diintiisa midibkiisa dhaqankiisa meesha uu jooga iyo cida uu aaminsan yahay nabadu waa waxa aan ku seexano ku harsano ku socono ku dhaqanahay sidaas awgeed nabadu waa geed ka go,an aan marnaba gorgortan laga galeeynin 

si Allaah noogu naxariisto walal dhamaan dadka u naxariiso markaad dadka u naxariisato Allah baa kuu naxariisanayo ukaalmeeynto dadka masaakiinta ah iyo inaad caawiso dadweynaha baahan waxaa kuugu siyaadayo xoolaha irsaaqda caruurto xaaska ayaa baari kuu noqoni dadweynaha ayaa ku jeclaanayo aaqirana Alaah uu kuugu naxariisani 

dadkii sadaqa badnaay dadka kale waa ka maal badan yihiin waana ka dad badan yihiin walalayaal walikiin dadka bini aadamka ah ha dulminina cidii wax dulminina ha u kaalmeeynina walaalayaal ka fogaada dulmiga iyo meesha wax lagu dulminaayo tuuna 

Alaahna aan ka magan galno inaan wax dulmino ama nala dulmiyo taas oo dhibaata weyn ku noqon karta aduunkeena iyo aaqiradeenaba  walalayaal kuwii wax dulmin jiray waay dabargo een, maahmaah ayaa waxaay leedahay, nabaddoonoow, nabad halagaa helo 

Post a Comment

4 Comments

  1. Nabaduba waa intaa oo la wada gartay

    ReplyDelete
  2. Ilaalint Xaquuqul insaanka waa noocyada Allah ugu jecelyahay in la sameeyo

    ReplyDelete
  3. Horta ilaalinta xuquuqda aadanaha waa sheyga ugu muhiinsan marwalbana u bashan in la dhoowra diinteenna sharafta leh wey dhoowrtay

    ReplyDelete